Muxuu kala soo kulmay Mahad Cawad xarunta Baarlamaanka Puntland

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BFS Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana ku soo dhaweeyay Gudoomiyaga Golaha Wakiilada Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed.

Guddoomiye Cawad ayaa booqday Xarunta Baarlamaanka waxa uuna kulan kula qaatay Guddoomiyaha iyo Xubnaha kale ee Guddoonka, arimo ay ka mid tahay Xaaladda Somaliya ayey kawada hadleen Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Mahad Cabdalla Cawa ayaa katirsan Wafdigii ka qeyb galay Munaasabadii caleema-saarka Madaxweynaha Puntland oo habeen hore ka dhacday Garowe waxa uuna weli ku sugan yahay Puntland, Guddoomiyaha ayaa sii joogi doonaa ilaa dhowr maalmood sida la sheegay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading