Muxuu ku dhisan yahay Awood qeybsiga Soomaliya?

Awood qeybsiga Soomaliya wuxuu ku dhisan wadaag siman ayadoo ay tahay in tixgelin la siiyo Gobolka, Qabiilka iyo Khibradda (meritocracy). Labada hore waa sida meteladdu tahay, midda dambe waa sida ay ku haboon tahay.

Wasaaraduhu waxay ka kooban yihiin:

  1. Wasaaradaha Dhaqaalaha sida: Maaliyadda, Qorsheynta iyo Maal-gashiga, Ganacsiga, Beeraha iyo waraabka, Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Batroolka iyo Macdanta, Korontada iyo Biyaha iyo Degaanka iyo Bey’adda.

Wasaaradahan ayaa muhiim u ah dhinacyada Wax soo saarka, shaqo abuurka, horumarinta iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

  1. Wasaaradaha Arrimaha Bulshada:
    Caafimaadka iyo Waxbarashada
  2. Wasaaradaha / Hay’adaha Awoodaha:
    Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Difaaca, Amniga Gudaha iyo NISA

Wasaaradahan marka laga yimaado wax qeybsiga kore ee qeybinta Golaha Wasiirada si siman (4.5). Ayaa waxaa lagama maar maan ah in haddana saddexdaas kudlo gudahooda lagu qeybiyo sida Soomaalidu wax u qeybsato ee ah (4.5) inta laga gaarayo xisbiyo lagu kala doorto afkaar iyo ra’yi (party platforms).

  1. Waxaa jira Wasaaradaha Adeegga (service providers) sida Dekedaha, Madaarada, Shaqaalaha iwm.

Waxaa lagama maar maan ah in la ilaaliyo isu dheeli tirka awood qeybsiga Dalka si loo helo xasilooni siyaasadeed (political stbility).

Guul Soomaliya!

BDM


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading