Muxuu ku salaysan yahay booqashada Xamar Ee W.Gaashaandhiga Kenya?

Imaanshaha Wasiirka Gaashaandhiga Kenya ee Muqdisho,waa mid caadiya oo wada shaqayneed.

Kenya,waxaa ka jooga Somaliya Laba Ciidan oo midna qayb ka yahay hawlgalka Atmis midna ka Madax banaan yahay.

Waxaa kaloo jiray qorshe la dajiyay oo ahaa hawlgal argagixiso la dirir oo Jubbooyinka ku Aadanaa oo Kenya qayb ka noqon lahayd.

Sidoo kale,waxaa Kenya saamaynaya mudo kordhinta ay dalbatay Dowlada Somaliya ee ku Aadan hawlgalka Atmis.

Madaxweyne Xasan maalmo ka hor,ayuu ka hadlay arinka Ciidamada Atmis,waxayna ubadan tahay in arimahaas ay kawada xaajoon doonaan Wasiir Ducaale.

Weftiga Wasiirka Gaashaandhiga Kenya,waxaa la socda dhamaan Saraakiisha Ciidamada qaybaha kala duwan ee Ciidamada Kenya kuwooda ka hawlgala gudaha Somaliya.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading