Muxuu ku salaysan yahay Safarka MW Deni Ee Imaaraadka?

Waa muhiim in loo helo hawlgalka lagu qaadayo argagixisada Labada Buurood Agab kala duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Drons ah.

Sidoo kale hawlgalkaas,waa in uu helaa diyaar garow sare oo uu ku socon karo mudo gaaraysa 6-bilood oo xiriir ah.

Maraykanka iyo Imaaraadka,waa Dowladaha ka taageeraya PL hawlgalkan oo ku bixinaya Dhaqaale,Qalab iyo Saad.

Si gaar ah Imaaraadku,waxa uu PL siinayaa Diyaaradaha Drons-ka ah oo wax duuba,kuwaasoo muhiim u ah dagaalka.

Maraykanku,marka laga soo tago in uu diyaariyay qorshe uu kula hawlgalayo Ciidamada PL oo fariisin KMG ah uga samaysanayo Garoonka Bosaso,hadana,waxaa jira Dhaqaale toos ah oo uu siinayo Maamulka Deni oo uu ugu talagalay hawlgalkan.

Madaxweyne Deni,Maanta,ayuu ubaxayaa Dubai oo uu ku maqnaan doonaa 5-Beri,waxaana Safarkiisu la xiriiraaa hawlgalka,waxaana Wadajir usugaya Maraykanka iyo Imaaraadka.

PL,waxay diyaarisay ku dhawaad 2500-Asksri oo iskugu jira Daraawiish,Badda iyo Sirdoonka oo hawlgalkaas galaya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading