Muxuu ku salaysan yahay socdaalka MW Deni Ee Itoobiya?

Madaxweyne Deni,waxuu usafaray Saakay Wadanka Itoobiya oo uu ka helay martiqaad rasmi ah Ra’isalwasaare Abiy.

Maalinka Berri foog ah in ay wada kulmayaan,ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan.

Kulanka Deni iyo Abiy,ayaa Saraakiisha Madaxtooyada Puntland sheegayaan in uu muhiim uyahay Labada dhinac.

Axada in uu dib ugu soo laabanayo Puntland ayay wararku intaas kusii darayaan.

Inkastoo ay jiraan Warar aan la hubin oo sheegaya kadib Itoobiya in uu aadi doono Imaaraadka oo ay ku kulmi doonaan MW Xasan Shiikh.

Xalay Lix Saac,ayaa Deni ka aqbalay Imaaraadka Codsi uga yimid oo ahaa in uu la fariisto Xasan Shiikh,sida wararkaas aan 100% la hubin sheegayaan.

Safarka Deni,ayaa kusoo aaday xili Isimada qaar soo saareen Warqad ka dhan ah qorshihiisa Doorasho ee Qof iyo Cod.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading