Muxuu ku salaysan yahay socdaalka MW Xasan Ee Rwanda iyo Burundi?

Berri foog,waxuu usocdaalayaa Wadamada Rwanda iyo Burundi oo ay ka dhacayaan Shir ay leeyihiin Wadamada Ciidamada ay ka joogaan Somaliya.

Ujeedka Shirkaas,waa in mudada Ciidamadoodu sii joogayaan Somaliya ay sii kordhiyaan oo Wadajir udalbadaan taageero dhaqaale.

MW Xasan qayb,ayuu ka yahay soo jeedintaas,waana sababta uu utagayo Shirkaas.

3-bilood oo dheeriya ayay Somaliya dalbatay in mudada lagu daro Ciidamada Atmis,balse Dalalka ay ka yimaadeen Ciidamadaas,ayaa Sadex kale dalbanaya,iyagoo ku doodaya Somaliya in aysan isku filnayn,waxayna tusaale usoo qaadanayaan dagaalkii argagixisada ee Wajigiisii koobaad dhamaystirmi waayay.

Wadamada ay ka joogaan Somaliya,ayaa ku hela hawlgakaas dhaqaale ka kaafiya miisaaniyadahooda Wasaaradaha Gaashaandhiga,waxayna Somaliya utahay Il dhaqaale.

Midowga Yurub oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee kaba hawlgalka Atmis,ayaa ku daalay bixinta Lacagtaas,haatana raba in uu soo afjaro.

Somaliya Shirkaas,waxaa ku matali kara Ra’isalwasaaraha,ku xigeenkiisa ama Wasiir.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading