Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Xasan Sh Ee Jabuti?

Jabuuti,ayuu Gaaray si uu kaalmo Ciidan iyo Taageero uga dalbado Ismaaciil Cumar Geelle.

Arimaha ugu waa weyn ee kulanka Labada Oday waa Dalabka Xasan Shiikh wato ee ku aadan sidii Ciidanka Midowga Africa usii Joogi lahaayeen qaybo kamid ah Koonfurta Somaliya kuwaas oo la rajay nayay in ay 3000 oo kamida ka baxaan hawlgalka Atms Dabayaaqada Sanadkan.

Waxaa Xusid Mudan in Midowga Yurub uu Joojiyay qayb ka mid ah Dhaqaalaha ku baxa Hawl galka Midowga Afrika ilaa laga fulinayo qorshihii la qorsheeyay sanadkan Dabayaaqadiisa ee ay Somaliya isaga bixi lahaayeen Ciidan gaaraya 3000 oo Atmis ah.

Villa Somaliya,ayaa rabta in ay joogaan Ciidankaas,iyadoo sheegtay in aysan Ciidanka Somaliya Dabooli karin baahida Xarumaha ay Ciidankaasu baneeyaan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading