Muxuu ku salaysnaa Kulankii Swam iyo Fahad Yaasiin?

Wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya Swam waxuu kulan qarsoodiya la qaatay Madaxa Sirdoonka Somaliya Fahad Yaasiin.

Sida wararku sheegayaan Swam waxuu Fahad kala hadlay arimaha doorashooyinka.

Kukanku waxuu ahaa mid qarsoodiya oo aan la shaacin mana lahayo natiijada kasoo baxday.

Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay,iyadoo Villa Somaliya ay fadhiyaan Madaxweynihii,Ra’isalwasaarihii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka sababta kaliftay Swam in uu uyeerto Fahad kalana hadlo arimaha doorashooyinka?

Kulan waxuu rumeeyay xantii ahayd go’aanka udanbeeya ee Villa-da in uu leeyahay Fahad Yaasiin madaama arimihii masiiriga u ahaa dalka ee loo doortay Farmaajo isaga lagala xaajoonayo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading