Muxuu Rooble kala hadlay Taliyayaashii uu la kulmay ?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo
Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading