Muxuu Talyaanigu uhakiyay ku bixinta Visa-ha Basaboor Somaliga?

Dowladda Talyaaniga,ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Somaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdihso joojisay.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sharaxay sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Safiir Pier Mario Daccò Coppi uu gaashaanka u daruuray in sababta loo joojiyay ay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Safiirka,ayaa sheegay in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna Wasaaradda Arrimaha dibadda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading