Muxuu ula jeedaa Abiy”Gorgortan kama galayno Madax banaanida Itoobiya”

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan gorgortan ka geli doonin madax banaanideeda.

“Itoobiya weligeed cidna kuma soo duulin taariikhda, ka yeeli mayno qof ku xad-gudbo madaxbannaanidayada,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij lagu xusayay maalinta dalkaasi.

Hadalka hoggaamiyaha Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadda ka taagan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Abiy kuma uusan sheegin khudbadiisa arrimo ammaan la xiriira.

“Ma taabaneyno dadka, laakiin haddii ay na taabtaan, waxaan caan ku nahay inaan ka jawaabno,” ayuu yiri Abiy isagoo khudbad jeedinayey.

Ra’iisul Wasaaruha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Annaga Itoobiyaanka ah ma lihin wax rabitaan ah oo aan ku doonayno in aan dadka kale alaabtooda qaadanno oo aan dalna la dagaalno,” isaga oo ku celceliyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanideeda dhinac kasta ah. ENA

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Itoobiya aysan weligeed wax colaad ah la gelin dalalka deriska la ah lixdii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku micneeyay in nabadda iyo ammaanka dalalkan deriska ah ay si weyn uga qeyb qaadanayaan nabadda, amniga iyo horumarka ay Itoobiya leedahay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading