Muxuu yahay Ajandaha kulanka maanta ee Golaha Shacabka BFS ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho, iyagoona Akhrinta labaad marinaya ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkaan 2020-ka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmo kahor Akhrinta kowaad mariyay ku noqoshada Miisaaniyadda sanadkan, waxaana qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo kasoo hor-jeesteen ku noqoshadaan, ay sheegeen in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku tumatay hantidiii dadweynaha, iyagoo sheeganaya inay la dagaalamayaan masuq maasuq.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in Dowladda illaa iyo haatan  aysan shaqaaleysiin hal ruux ayna sheegto mar waliba, inay ku mashquulsan tahay deyn cafin iyo baanka adduunka oo kor joogto ku haya, sida ay tilmaameen xildhibaannadu.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading