Muxuu yahay nuxurka heshiiska dhexmaray Laftagareen iyo Musharaxiinta KG?

Ugu danbayn Madaxweyne Laftagareen iyo Musharaxiinta Koonfur-galbeed waxay ku heshiiyeen Sadex Qodob oo kala ah…

1.In mudo xileedka Madaxweynanimo ee Laftagareen loogu kordhiyo mudo Hal Sano ah.

2.In Baarlamaanka hada jira mudo xileedkiisa ku ekaado Sanadkan dhamaadkiisa.

3 In Bisha 11-Aad ilaa Bisha 12-Aad Odoyaasha dhaqanka ay soo xulaan Xildhibaanada cusub.

Madaxweyne Laftagareen?

Waxaa Sharci noqotay mudo kororsigiisii Sanadka ahaa.

Waxaa la aqbalay dalabkiisii ahaa in Baarlamaanka hada jira lakala diro.

Golaha Baarlamaanka KG ee hada jira,ayaa mudo xileedkoodu ku ekaa ilaa Sanadka 2024,balse Laftagareen oo shaki weyn ka qaba in ay dib u dooran doonaan,ayaa ku adkaystay in ay isku mudo noqdaan Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Mucaaradka KG?

Mucaaradku waxay heleen mudo cayiman oo ay doorashadu ku dhacayso,iyagoo ku badashay aqoonsiga mudo kororsiga Lafragareen.

Shacabka KG?

Shacabka caadiga ah ee KG waxay heleen xasilooni iyo in aan dushooda aysan isku hardin Siyaasiyiin Kuraas isku haysata.

Guud ahaan Somaliya?

Si guud is afgaradka reer KG waxay xoojinaysaa Dowladnimada iyo xasiloonida Dalka.

Waa wax lagu farxo oo mudan in la bogaadiyo.

Halkan ka daawo muuqaalka Warmurtiyeedka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading