Muxuu yahay qodobka caqabada ku ah in heshiis laga gaaro Shirka Muqdisho ? (VIDEO)

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka soconayay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono War-murtiyeed ku aadan qodobada ay ku heshiiyeen.

Shirka ayaa 48 saac ee ugu dambeeysay ay hareeyay doodo adag, waxaana qodobada la isku mari waayay kamid ah Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, oo ay ku loolamayaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Warar ay heshay Idilnews ayaana sheegaya inay u dhowdahay in saacadaha soo socda heshiis laga gaaro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading