Muxuu yahay qorshaha Masar Ee Somaliya ku Aadan?

Masar maxay ka rabtaa Somaliya?

Masaaridu way yaqaanaan,waxa ay rabaan oo Xisaabtu kama khaldana.

Sida muuqata Maamulka Sisi,waa soo kiciyay Masar oo waa kasoo gudbiyay xaaladihii adkaa ee gudaheeda,wuxuuna dib usoo nooleeyay saamaynteedii Dibada.

Masar maxay ka rabtaa Somaliya?

1.Gacmaha ay u usticmaalayso Loolanka Itoobiya kala dhaxeeya in ay Somaliya ka mid ahaato,sida..

B.Sudan.
T.Eretereya.

Sidoo kale Masar,waxay qabanaysaa Shir Mucaaradka Itoobiya ay iskugu keenayso,waxayna haatanba ku dhex jirtaa gudaha oo waxay Hub iyo Dhaqaale siisaa Tigreega,Amxaarada iyo Oromada.

2.Doorkii Jaamacada Carabta ee Somaliya in lasoo nooleeyo oo lagula loolamo Turkiga.

B.Somalida markay timaado Masar iyo Turki,waxay fahmaan oo dhexgalaan Masaarida,taasoo fursad u ah Masar.

Masar,waxay hawlgelisay…

B.Bangiga Masar

T.Ganacsiga.

J.Waxbarashada.

X.Milleteriga.

Qorshaheeda,waxaa ka mid ah in qurba joogta Somalida laga soo jiito Turkiga oo haatanba Somali badan,ayaa uweecatay Masar loona fidudeeyay Visa.

Dhawaan,waxaa la filayaa in uu Sisi tago Somaliya.

Masar,waxay taageero uga haysataa hawlgalkeeda Somaliya Wadamo Carbeed oo Qani ah.

JQ


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading