Muxuu yahay qorshaha Xasan ku hoos wato Garoon cusub Ee Muqdisho yeelato?

In Muqdisho yeelato Garoon Diyaaradeed oo ka sareeya midka hada jira ee Aadan-cade,waa loo baahan yahay.

Balse Xasan Sh oo aragtidiisu ku salaysan tahay Eex iyo Qabyaalad,ayaa ku hoos wata qorshe.

35-ta KM ee Garoonku ujirsanayo Magaalada in ay noqoto dhanka Beeshiisa,ayuu ka Shaqeeyay,waana uhirgashay oo waa lasoo diyaariyay halka uu noqonayo.

In Magaaladu kasoo guurto dhanka Hada ay ka camiran tahay oo ay usoo guurto dhankan cusub ee Beeshiisa marka Garoonka la furo,isla markaana Hotelo caalamiya ay soo dagaan sida Hilton oo kale,ayuu wataa……

1.In Beesha HG oo qaybaha ay ka degan tahay Muqdisho noqdeen Aaga ugu qiimaha badan laga soo guuro oo halkaas uu ku baaba’sho Dhaqaalahooda.

2.In Dadkii kasoo jeeday Beesha Daarood ee lahaa Guryaha ugu muhiimsan ee ku yaal Goobaha istiraatiijiga ah ay qiimo beelaan,sidaana ay ku noqdaan Dad aan Xamarta cusub waxba ku lahayn.

3.Marka ugu danbaysa in Madaxtooyada iyo Safaaradaha loosoo raro Garoonka cusub Aagiisa.

Hadafkiisa ugu weyn,waa Xamar cusub oo Beeshiisa aan lala lahayn in uu si dadban ku Aa-aaso.

Garoonka Lacagta galaysa,waa $400 Milyan,waxaana Dayn ahaan looga soo qaadayaa Shiinaha,iyadoo la filayo 10-ka Sano ee ugu horeeya in Garoonku soo celiyo $200 Milyan.

Shirkada Turkiga ah ee Gacanta ku haysa haatan mahaysato Lacag intaa le’eg,waxayse ku dadaalaysaa in ay qayb ka noqoto maalgashiga.

Aragti Qaran oo looga faa’idaysano Dan Qabiil.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading