Muxuu yahay ujeedka safarka Madaxweyne Deni berri ku tagayo Qardho ?

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta berri ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Qardho ayaa lagu sheegay inuu ka bilaabayo kulamo uu taageero ugu raadinayo Urur Siyaasadeedka Kaah ee xukuumadda, kaas oo u muuqda in looga dhaqdhaqaaq batay magaalada Qardho.

Puntland ayaa 25 bisha soo socota ee October, gali doonta doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed, ayna kusoo bixi doonaan saddexda xisbi ee rasmiga ka noqon doona Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading