Muxuu yahay ujeedka socdaalka Xildhibaan Jawaari ee Garoowe ?(Sawirro)

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, ayaa manta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Ujeedada socdaalka Xildhibaan Jawaari ee Garoowe, ayaa la xariirta ka qeyb-galay Madasha 9-aad ee PDRCTalks, oo uu marti ku yahay, taas oo la qabanayo maalinta arbacada ah, oo taariikhdu ku began tahay 29-ka, bishan January 2020.

Madasha Madasha 9-aad ee PDRCTalks, ayaa looga hadli doonaa “Ka gaabinta Dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2020-2021”, iyadoona inta ay socoto madashu lagu weydiin doono Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, su’aalo la xariira mowduucan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading