MW Deni oo Casho Sharaf usameeyay Marti sharaftii kasoo qayb gashay Shirka Nabada

Garoowe: 23 September 2024 : Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Caawa kulan Casho ah oo soo dhoweyn iyo boggaadin ah u sameeyay Hay’adda PDRC iyo Marti sharafta isaga kala timi dalka iyo dibedda ee ka qeybgashay Shirka Nabadda ee PDRC oo Garoowe maanta kusoo dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada welwelka uu ka qabo jihada Soomaaliya u socoto iyo sida Dowladda Federaalka ah uga shaqeynayso kala irdheynta bulshada Soomaaliyeed. “In qeyb bulshada ka mid ah ay qeybta kale ka saarayso Soomaalinimada waa khatar soo korortay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu madasha kaga dhawaaqay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay wadahadal, Iyadoo ku bixinaysa maal iyo mood sidii looga bartay isu keenista dadka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading