MW Deni oo furay Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland

Garowe: 26 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay kal-fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay shaqooyinka u qabsoomay Dowladda Puntland intii u dhexeysay labada kal-fadhi iyo Qorshaha ugu weyn xiligan ee Dowladda Puntland Kaasi oo ah in dalka laga sifeeynayo Argagixisada ku dhuumaleysanaysa buuraha Puntland.

Federaalka:

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa uga digey Dowladda Federaalka ah tallaabooyinka ay qaaday ee lidiga ku ah Dastuurka KMG ahaa iyo kan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, sida in ay u diiday Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay qabsadaan Doorashooyinkooda iyadoo taa bedelkeeda u sameynaysa muddo kordhin, Bulshadana u sheegaysa qabashada Doorasho qof iyo cod ah oo xiligan suuragal aheyn .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka dhiidhiyey in Dowladda Federaalka ah ay faafisay khariidad (MAP) , Gobollada Sool, Mudug iyo Sanaag lagu sheegayo dhul lagu muransanyahay, taasi oo ah mid bulshada la’isaga horkeenayo dadkana loogu sheegayo wax aan jirin .

Dowladda Puntland waxay soo bandhigtay in dhowr jeer ay ku baaqday wadahadal fagaare oo dhexmara Puntland iyo Dowladda Federaalka ah, waxaana maanta uu markale ku dhawaaqay Madaxweyne Deni in iyadoo labo jeer uu wadahadalka diiday Madaxweynaha Soomaaliya, hadana in ay Puntland marwalbo dhinaceeda diyaar u tahay in si dhab ah loo wadahadlo.

Kheyraadka dalka :

Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay in kheyraadka dalka ay fiicantahay in lasoo saaro, Puntland-na ay hore uga sameysay sahmin Shidaal deegaanka Dharoor, ayna Dowladda Puntland iyadu masuul ka tahay soo saarista kheyraadka dhulkeeda. Arrimaha Shidaal qodista ee socota hadda wuxuu xusay in ay muhim tahay in ku qotomaan Dastuur iyo Sharci.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Gorsoorka Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka ee Puntland, Duqa Caasimada Garoowe , Isimada, Culimada , Ururada Bulshada, Haweenka iyo Marti sharaf kale oo ay ka mid tahay Fanaanada Soomaaliyeed Hibo Nuura

– DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading