MW Deni oo ka hadlay xiriirka PL iyo imaaraadka iyo Dekedaha

Itoobiya iyo Imaaraad ma’ahan cadow.

Sideedaba aduunku,waxa uu marayaa wax wada qabsi iyo kala faa’idayso.

Hadaan reer PL nahay,waxaan ubaahanahay Dhaqaalaha iyo Aqoonta caalamka kale in ay Wadankeena soo galaan,sidaa daraadeed cidna cadow nooma ahan,waxa kaliya ee aan cadow u aqoonsan karnaa,waa Dalkii ama Dowladii aan rabin horumarkeena.

MW Deni in uu yiraahdo Itoobiya iyo Imaaraad,ayaa sidaas ah waa Sheekooyin la sameeyay oo laga leeyahay dano Siyaasadeed,waa la qabnaa doodaas.

“Dadkeenii iyo Dhulkeenii waxay jiraan Gudaha Itoobiya,waxaana rabnaa in aan gaarsiino Ganacsigeena 120-ka Milyan ee Itoobiyaanka ah”Ayuu yiri MW Deni.

Sida uu ufaahfaahiyay kala faa’idaysiga caalamka iyo baahida PL uqabto Caqliga,dhaqaalaha iyo Aqoonta Wadamada kale,waa aragti sare oo Juquraafi Siyaasadeed ku fadhida.

PL in ay ubaahnayd Dekado badan sida uu umacneeyayna waa loo baahnaa.

“Dekeda Bosaso adeegeedu,waxa uu gaaray ilaa Mosanbik oo aan anigu arkay”Ayuu yiri MW Deni.

Haatan oo aan dhisanay Garacad waa kasii badnaan doontaa.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading