MW Deni oo Wadada Sodonka Bosaso xariga ka jaray

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa xariga ka jaray wejiga Labaad ee Wadada Laamiga ah ee jidka 30-ka Boosaaso, oo la dhameystiray 3.5KM, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay wejiga Saddexaad ee wadadan oo dhan 2.4KM.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari, Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha Wadada jidka 30-ka ee Boosaaso.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading