MW Deni oo warbixin ka dhagaystay Gudiyada Qiimaynta

Gaalkacyo: 13 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay oo warbixin ka dhegaystay Guddiyada labada Golle ee Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo qiimeyn kusoo sameeyay hanaanka shaqo ee hay’adaha Dowladda ee degmada Gaalkacyo iyo Guud ahaan xaalada Gobolka Mudug iyagoo kormeeray Xafiisyada iyo Xarumaha Dowladda.

Guddiyada ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay u socdaan adeegyada dowliga ah ee Gobolka Mudug, baahiyaha ka jira fursadaha, Caqabadaha iyo qorshaha ugu wanaagsan ee lagu xallin karo waxyaabaha hortebinta u leh in wax laga qabto.

Madaxweynaha waxaa Kulanka ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), labada ee Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading