MW Deni oo xariga ka jaray Wado cusub laga dhisay Gaalkacyo

Gaalkacyo: 03 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xariga ka jaray Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo, oo la dhameeyay wejiga koowaad oo ah
1.15KM.

Jidkan oo muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada ayaa lagu dhisay si iskutashi bulsho ah oo ay maamulkiisa ka hawlgaleen Guddiga Horumarinta degmada Gaalkacayo, waxaana dhisay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyey bulshada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta magaalada iyo Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco dedaalka dhaxalgal ka ah ee ay ku hirgeliyeen dhismaha Wadadaasi, taasi oo muhiim u ah horumarinta magaalada dhankasta, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in bulshadu laf-dhabar u tahay dowladnimada horumarkeeda iyo jiritaankeedaba.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading