Nabada Gaalkacyo oo horay Uruqaansatay iyo heshiis macno leh oo Qasriga Islaan Bashiir lagu kala saxiixday

Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ku kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan adkaynta amaanka Mudug Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee la magac baxay Galmudug.

Heshiiska ay wada gaareen labada dhinac,ayaa ka koobnaa 11-Qodob.

Mahan markii ugu horaysay ee Mudug lagu kala saxiixdo heshiis,kaasoo isla markiiba si fudud ku fashilma,balse waxaa la filayaa kan in uu ka duwanaado oo ugu yaraan uu ka mid noqdo mid kamid ah heshiis horay loo gaaray ee  waxtarka noqday marka laga eego dhinacyo badan.

Halkan hoose ka akhriso heshiiska qodobadiisa:-

1.In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabad­galyada Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo

2.In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec 2017 oo maalin Sabti ah,ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si
nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga bilaabo taariikhda maanta ah ee hishiiskaan la saxiixay.

3. In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug.

4In baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka
ah.

5.In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga) ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

6.In qof­waliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa,

aanna laga hor­istaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo.

7.In la joojiyo wararka colaadaha hurinaya,

8.In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabadsugida,gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo.

9.In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida amniga gobolka Mudug.

10.Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballan­qaadayaa in uu adkeyndoono
Nabadda la wada qaatay haddii Alle idmo.

11.Mas’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay uhantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug.

F.G:-

Hishiiskaan wuxuu dhaqan­galayaa marka la wada saxiixo, waana la saxiixay, dhinicii jabiyana hishiiskan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabad­diid, waxaana laga qaadayaa
tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo.

Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay ka kooban yihiin 26 qof oo ka kala yimid labada dhinac 10 iyo 10 ah, iyo 6 gab­dhood oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixay labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo.

 

 

Waxaa hishiiskaan goob­joog ka ahaa:-

A.Islaan Bashiir islaan Cabdulle isinka guud ee Gobolka Mudug.

 

 

B.Talyaha Ciidanka Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod.

C.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guud General Siciid dheere.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading