Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo loo magacaabay Duqa Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 176, November 17 2018, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii
socoto shaqada Degmada Gaalkacyo.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta
Wasaaradda Arrimaha
Gudahada, Dowladdaha
Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa Yaasiin Cabdisemed Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

2. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu
Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay
Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading