Nabadoono Qarax lagula Eegtay Hiiraan

Wararka ka imaanaya nawaaxiga Deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lagu laayay Odayaal Nabaddoono ah.

Qarax oo ahaa nooca miinada dhulka la geliyo,ayaa sida wararku sheegayaan lala beegsadya Gaari ay wateen nabaddoonada oo ku sii jeeday Deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in nabaddoonada qarax lagu laayay ay ku jiraan Nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax,Nabaddoon Xasan Xuseyn Lugayare iyo Nabaddoon Mukhtaar.

Sidoo kale waxa qaraxaas ku geeriyooday wiil uu dhalay nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf Fiidow halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoono kale sida Dowladdu sheegtay.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Somaliya,ayaa qaraxaas Nabaddoonada lagu laayay ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inkastoo Al-shabaab aysan sheegan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading