Naciima Abwaan Qorane Oo Xabsiga laga sii daayay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey Naciima Axmed Ibraahim, oo loo yaqaan Naciima Abwaan Qorane, oo Hargeysa ku xirneyd muddo ka badan saddex bilood.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa Naciima Abwaan Qorane, ayaa isla maantaba xabsiga laga sii daayey.

Naciimo Abwaan Qorane ayaa 15-kii April ay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland.

Naciima ayaa xabsiga la dhigay dhammaadkii bishii Janaayo iyadoo markaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading