Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.
Cabdifataax ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
“Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale” ayuu Cabdifataax u sheegay.
Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidmada gaarka u tababaran ee Soomaaliya, iyo tababerayaal Mareykan ah.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.