Nairobi: Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Beesha Caalamka+Sawirro

Xubno ka tirsan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC) oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Guddiga Guled Salah ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka socda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Kulanka waxaa looga wada hadlay sidii Puntland garab looga siin lahaa hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo laga hirgaliyo Puntland muddooyinka dhow.

Waxaana kulanka ka qayb galay xubno ka socda USAID, EU, DFID, Sweden, Switzerland, Germany, Denmark, SSF, InterPeace iyo Sahan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading