Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare PL oo la Shaaciyay

Tirada Ardayda ka Gudbay iyo kuwa Dhacay ee iskugu jira Lab iyo Dhediga Fasalka 12-Aad ee Dugsiyada Sare Puntland,ayay Wasaarada Waxbarashada Puntland shaacisay Sanad Dugsiyeedka 2024-2025.

Waxaa xusid mudan in Gabdhuhu ka yar yihiin Wiilasha markay timaado Ardayda ku dhacday Imtixaanka.

Sanadkan 225-Gabdhood,ayaa ku dhacay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Halka Wiilashu dhan yihiin 274-Wiil.

Marka la qiimeeyo tirada Guud ee Ardayda ufariisatay Imtixaanka,waxay ka noqonayaan 7%,taasoo aan ahayn wax weyn.

Sidoo kale,waxaa la shaaciyay 10-Arday ee Puntland Imtixaankeeda Shahaadiga ugu sareeyay Sanadkan.

Kaalinta ugu horaysa,waxaa gashay Gabar.

Sidoo kale Iskuulada ugu sareeya,waxaa noqday kuwa Magaalada Bosaso.

 

Tirada Ardayda (Baastay, Dhacday iyo Maqanaanta,ayaa lagu muujiyey Garaaf jiitimeedka kore.

Celceliska Maadooyinka Sayniska,ayaa hooseeya Ardayda oo idil,marka la isku celceliyo.

Aqoon yahanka PL,waxay soo jeediyeen in Afar Maado dib loo saxo oo Macalamiinta Tayadooda wax laga badalo.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading