Natiijadii iyo Liiskii Xildhibaanada Ee Doorashada Golayaasha Deegaanka PL oo lagu wareejiyay Maxkamada Sare

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Mudane Axmed Maxamuud Cumar oo u weheliyo Xoghayaha guud ee PEC Mudane Asad Axmed,ayaa ku wareejiyay Guddoomiye Xigeenka Maxkamada sare ee Puntland AVV. Axmed Shiikh Cumar, Natiijada iyo Liisaskii Xildhibaanadii kusoo baxay Doorashadii Qof iyo Codka ahayd ee Saddexda Degmo ka dhacday 23-kii July 2024.

Sida Xeerka Doorashada iyo Dastuurka Puntland dhigaayo Maxkamadda sare,ayaa awood u leh ansixinta kama danbaysta ah iyo Qaadida Dacwooyinka Doorashada.

Xaqiiqdii Gudiga Doorashooyinka Puntland,waxa uu qabtay Shaqo qurxoon hufan oo PL sumcadeeda kor usii qaaday.

Nidaamka Dowladeed ee Puntland,ayay Sharaf iyo karaamo utahay muuqaalladan oo kale.

Hanbalyo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading