Nicholas Haysom oo noqday Ergayga gaarka ah Ee Qaramada midoobey..

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabisan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .

Ergeygan cusub Nicholas Haysom ayaa u dhashay dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay in uu yahay nin Qarreen ah oo ku taqasusay arrimaha dowlad wanaagga, Dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabada, waana tan keentay ayaa la leeyahay in loo soo xusho in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Magacaabistan,ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo dowlada dhexe ee Somaliya uu khilaaf ka dhex taagan yahay,isla markaana xiriirkii wada shaqaynneed ee la lahaayeen ay hakiyeen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading