Nin dilay in ku dhow 50 Haween ah oo Booliska Kenya Gacanta ku dhigeen

Ciidamada amaanka Kenya,ayaa Gacanta ku dhigay Nin dilay 42 Haween ah oo ay ku jirto Xaaskiisa.

Ninkan,waxaa laga soo qabtay Soweto oo ka tirsan Kayole saaka abbaare 3-dii Subaxnimo,isagoo ku sugan goob uu ku daawanayay Ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka Yurub.

Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada DCI iyo saraakiisha NPC,ayaa lagu soo qabtay.

Madaxa DCI-da Kenya Maxamed Amiin oo la hadlay Saxaafada Maanta oo isniin ah,ayaa sheegay in Ninkan uu qirtay dilka 42-da haween ee lagu tuhunsanaa dilkooda.

“Eedaysanuhu waxa uu qirtay in uu dilay oo uu ku tuuray Qashinka Maydadkooda Labadii 42-da Haween ee lagu tuhmay dilkooda”Ayuu yiri madaxa DCI.

Dhammaan Haweenka uu dilay Ninkan,waxa uu dilay intii u dhaxeysay 2022-kii iyo illaa 11-kii Luulyo, 2024,isagoo duubay ka hor inta uusan Qashinka ku tuurin.

Haweentii ugu horaysay ee uu dilo,ayaa ahayd Xaaskiisa,waxa uuna ku dilay Ceejis kadibna waa jarjaray Maydkeeda.

Waa dhacdo argagaxgelisay Shacabka Kenya oo aad loo hadal hayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading