Ninkii dilay Muna Salaad Oo Maxkamada San Diego xukun ku riday

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag

Maxamed Cabicasis Keerow oo 48 jir ah, ayaa xeer beegtida San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California, sida ay baahisay warbaahinta Times of San Diego.

Horaantii sanadkan,ayaa ninkan lagu xukumay dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad Kuru oo 36 jir ahayd.

Muna,ayaa waxaa la dilay sannadkii 2019-kii.

Waaxda Booliska ee magaalada San Diego,ayaa Kerow u aqoonsaday in uu yahay tuhmanaha dilka xaaskiisa, waxaana warsaxaafadeed Boolisku soo saaray ku sheegay inuu baxsaday lana raadinayo dilkeeda halka Kerow laba Todobaad ka dib lagu xiray Panama.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading