Nuxurka khudbadii Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caleema saarka

Si fiican buu uhadlay Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Arinka Dastuurka”

Waxa la ansixiyay waa Habraacii ee mahan Dastuurkii,waxaana sheegayaa in Dastuurka ka hadalkiisii uusan weli bilaaban oo uu hada bilow yahay,isla markaana wakhti aan siinayno layskula fahmo waxa lagu qorayo ama laga badalayo”Ayuu yiri MW Xasan.

“Dastuurka Qabyo tirkiisa Aniga ima qusaynayo ee wuxuu ka bilaabanaya Maalinka wax laga badalo Qofka iga danbeeya,waxba kama jiraan Xasan,wuxuu rabaa MW iyo ku xigeen in ay isaga iyo Xamse isku noqdaan”Ayuu yiri MW Xasan.

Sharaxaad la fahmi karo oo wax ku ool ah,ayuu ka bixiyay muhiimada ay leedahay Qabyo tirka Dastuurka Wadanka.

Arinka Itoobiya”

“Kama yeelayno Itoobiya Deked baan rabnaa,Anagaana sheeganayna halka aan ka rabno,sidaan urabno iyo xilliga aan rabno idinkuna “Haye dhaha”taasi nagama qabato”Ayuu yiri MW Xasan.

“Horumarka Dhaqaale iyo Xeeb iskuma xirna oo 50 Dowladood,ayaa Bad la’aan ah caalamka,waxaana ku jira kuwa uga hormarsan,si gaar ah Itoobiya 30-kii Sano ee udanbeeyay,waxay samaynaysay koror dhaqaale oo sare marka,waxaan leenahay Madaxda Itoobiya Buugaagta dib u akhriya”Ayuu yiri MW Xasan.

“Kubadu waxay taalaa Garoonka Dowlada Itoobiya,iyadaan sugaynaa waxay uga jawaabto iyo siday uciyaarto,dhib kale majiro”Ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Xaqiiqdii Erayo adag hadana asluubaysan oo ku fadhiya qiyam iyo Maslaxad Somaliyed,ayuu ka yiri damaca Itoobiya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading