Obama iyo Xaaskiisa oo taageeray Musharaxnimada Kamala Harris

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga.

Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda.

Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la tartanto musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

“Waxaan u wacay in aan ku dhaho, aniga iyo Michelle ma jirto wax nooga farxad badan in aan ku taageerno oo aan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan kaaga caawino doorashadan oo aad u gasho Xafiiska Oval,” madaxwaynihii hore ayaa sidaas u sheegay Harris, oo muuqaal lagu muujiyey iyada oo qabaneysa taleefonka.

Michelle Obama ayaa iyana tiri “Kuma soo wici laheyn aniga aan ku dhaheyn, gabadheyda Kamala, aad ayaan kuugu faanaa.”

“Tani waxay noqon doontaa taariikh,” ayey ku dartay.

Harris, oo aqoon u laheyd labada Obama ka hor tan iyo doorashadoodii 2008, ayaa uga mahad celisay saaxiibtinimadooda, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay “halkaas gaarto, oo ay waddada hayso” ayna kala qeyb galaan saddex bil oo olole doorasho ah, ka hor 5-ta November.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka AP, Harris ayaa horey u xaqiijisay taageerada ergo ku filan kahor Shirweyaha Qaran ee Dimoqraadiga oo 19-ka August ka dhacaya Chicago.

Guddiga Qaran ee Dimoqraadiga ayaa qaban doonaa codeyn hab fogaan arag ah taasi oo la filayo in ka hor 7-da August ay xaqiijiso in Harris ay noqoto musharraxa rasmiga ah ee Xisbiga.

 

Xigasho:-VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading