Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo kusii qulqulaya Kismaayo

Oday dhaqameedyada Degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku sii qulqulaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa u diyaariyey xarun gaar ah Odayaasha dhaqanka, iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, kaddib markii la xaliyay khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada.

Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa doonayay in saddex xubnood beel walba ay keensato kadibna hal xubin laga dhex doorto,halka musharaxiinta kale ay fikirkan ka biyo diideen iyagoo codsaday in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii u meteli lahayd baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka Magaalada, Bisha August ee sanadkan ayaana lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading