Odayaasha dhaqanka K/galbeed oo eedeeyn kulul u jeediyay DFS

Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa Cambaaareeyay xayaraadii dhawaan dowladda Federaalka saartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi la socday xili uu doonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo si xun ula dhaqmay Sheekh Shariif,isla markaana u diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha aadan Cadde xili uu ku wajahanaa Kismaajo,isagoona doonayay inuu qeyb galo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta dib loo dhigay.

Odayaasha oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Sheekh Shariif ku tilmaamay inuu yahay nabadoon aadna u dulqaad badan oo wax badan dalkaan  u soo qabtay.

“Waa nasiib daro aad u weyn Madaxweyne Farmajo inuu ka xishoon waayo ninkii asaga Mareykanka kakeeney oo Ra’iisul Wasaare ka dhigey waxay cadeyn u tahay inuu dalkaan rabo inuu ku hogaamiyo wixii shalay ay Soomaaliya isku dagaashay la gamana yeelaayo taasi “ayay dhaheen Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii, Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegey iney raali gelintii uu Madaxweyne Sharif u sameeyey reer Koonfur Galbeed ay ka aqbaleen ugana mahad celinayaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading