Oddoroska Roobabka Sitimaanka 18-24 September 2023:

Curasha Dayrta 2023 ayaa lafilayaa inay bilaabato asbuuca soosocda Qaybo kamid ah deeganada Puntland.

Goboladda Sool, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar iyo Raas-casayr ayaa la filayaa in ay helaan roobab dhex-dhexaad ah xaddi ahaana u dhaxeeya (40-100) mm.

Sida kamuuqata khariidadda saadasha roobka meela kamid ah degmooyinka Ceerigaabo, Badhan, iyo Balidhidin ayaa laga yaabaa inuu gaaro 200mm.

Bulshada kudhaqan Gobolada Sanaaag, haylaan, Bari, iyo Karkaar waa inay taxadar dheeriya muujiyaan ilaa 24 bisha September 2023.

Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland
E-mail: info@imcpuntland.so
Facebook: https://www.facebook.com/imcpuntland/
Twitter: https://twitter.com/imc_puntland

#imcpuntland #Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading