Odoyaasha Garowe ku Shirsanaa oo taageeray Madasha Garowe

Wado khaldan ayay raaceen,mana soo saarin wax xal noqon kara,waxay toos ula safteen Siyaasiyiinta Madasha.

“Odoyaashii Shirku Garowe uga socday,ayaa soo saaray in Doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto,isla markaana la joojiyo Doorashada Qof iyo Codka ah laguna soo xulo Barlamaanka sidiisii hore ee 66-da”..

Ugu yaraan,waxaa la filayay in ay meel dhexe wax keenaan,balse waa uga sii dareen.

Warka kasoo baxay qayb ka mid ah Odoyaasha,waxuu taageero uyahay MW Deni oo xataa Dadkii ku diidanaa sida uu umaaraynayo Doorashada Qof iyo Cod Indho la’aan ayay ku raacayaan.

Odoyaashu,waxay muujiyeen in ay qayb ka yihiin Madasha Garowe laga sameeyay.

Laba dhinac,ayaa ishayay,waxay ahayd in ay xal dhexe keenaan oo aan 66-da iyo Qof iyo Codka aan tooska ahayn,iyagoo tixgelinaya rabitaanka Shacabka ee Dimuqraadiyada iyo Siyaasiyiintan hankooda.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading