Olalaha Doorasho Ee 3-Degmo oo si rasmi ah ufurmay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa caawa si rasmi ah u daah-furay Ololaha Xisbiyada Puntland ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo si rasmi u bilowmaya 06 July 2024 isla markaana socon doona illaa 22 July 2024, iyadoo Doorashada Saddexda Degmo ay dhici doonto 23 July 2024.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa bulshada degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ugu baaqay in ay isu diyaariyaan tartan doorasho oo caafimaad qaba, iyadoo Xisbiyada laga rabo inay ololeeyaan iyagoo illaalinaya shuruucda iyo qawaaniinta ay dejisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

Munaasabadda oo ay soo diyaarisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), waxaa ka qeybgalay 8-da Xisbi Siyaasadeed ee Puntland kuwaasi oo kala ah HORSEED, MIDEEYE, KAAH, MUSTAQBAL, RUNCAD, SINCAD , SHAQAALAHA IYO IFIYE.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Munaasabadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dimuqraadiyadda Puntland.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINT MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading