Olale ka dhan ah Meel-marinta Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Deni oo Garoowe ka socda

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa in Sabtida soo socota oo taariikh-du ku began tahay 16 Febaraayo, uu hor geeyo Golaha Wasiirada cusub Baarlamaanka Dowladda Puntland si uu ugu raadiyo Codka Kalsoonida ah.

Golaha Xukuumadda Cusub oo ka kooban 18 Wasiir, 21 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru dowle, ayuu Madaxweyne Deni Magacaabay 10 bishan, Iyadoona Magacaabistoodu ay aheyd mid si weyn isha loogu hayay, maadama Madaxweynaha ay horey Baarlamaanku ugu kordhiyeen Waqtiga Dastuurku farayo in uu kusoo dhiso Xukuumadda.

Madaxweyne Deni ayaa bilaabay Kulamo gaar-gaar ah oo la qaadanayo xubnaha Guddoonka iyo Golaha Wakiilada, kuwaas  oo ay ka wada hadlayaan sidii loo meelmarin lahaa Xukuumadda cusub oo la imaan doonto qorshaha Degaanada Puntland wax looga qabanayo Shanta sano ee soo socota.

Dhanka kale, Waxaa Garoowe ka socda olale looga soo Hor-jeedo Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Deni, kaas oo ay wadaan Musharixiin hore iyo Xubno kamid ah Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kuwaas oo aaminsan in ay waayeen beelahooda saamigii ay Mudnaayeen.

Madaxweyne Deni oo Muddo 32 berri ah la maqnaa Dhismaha Golaha Xukuumadda, ayaa la sheegay in uu culeys kala kulmay Madaxweyne Ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Odayaasha dhaqanka, kuwaas oo watay shaqsiyaad gaar ah oo ay doonayeen laga dhigo Wasiiro, taas oo meesha ka saartay Male ay dad badan qabeen oo ahaa in Madaxweynuhu uu dhimayo Golaha Wasiirada Puntland.

Dadka odarasa Arrimaha Siyaasadda Puntland, ayaa aaminsan in Baarlamaanka Dowladda Puntland ay si Aqlabiyad leh ay ku meel marin doonaan Golaha Xukuumadda ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni, balse ay Xubnahani wajihi doonaan Carqalado ka dhalanaya Shaqooyinka adage e Hor-yaalla iyo ka dhabeynta Balanqaadkii uu olalaha kusoo galay Madaxweynuhu.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading