ONLF iyo dowlada dhexe itoobiya oo kala saxiixday heshiis cusub

Agaasimaha Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Fitsum Arega ayaa sheegay in heshiiska cusub ay kala saxiixdeen Jamhada ONLOF iyo Dolwada dhexe ee Itoobiya.

Labada dhinac qodobada ugu waa weyn ee ay ku heshiiyeen,ayaa waxaa ka mid ah:-

1.Hub ka dhigis ciidamada Jabhadaha

2.In ciidamada hubeysan ee Jabhada lagu daro ciidamada dawladda fadaraalka Itoobiya.

3.In heshiiskan la dhaqangaliyo si deg deg ah.

4.In la sameeyo xaafiis deg-deg ah oo arrimahan ka shaqeynaya lagana hirgalinayo gudaha dalka.

5.In Jabhaddu halgankeeda ay ugu jirto Madax banaanida ay ku raadiso wadiiqo nabadeed oo xagga Qalinka iyo Afka ah.

Waxaa xusid mudan in Isla xiliga heshiiska la saxiixay la aas-aasay Xaafiis hub ka dhigis iyo soo xareynta Jabhaddan ka shaqeyn doona, waxaana Xaafiiskan madax looga dhigay wasiirka Ciyaaraha ee dawladda Itoobiya oo lagu magacaabo Tesfaye Yegezu, kaas oo toos uga amar qaadan doono Raysalwasaare Dr Abiy Ahmed Farah.

Xaafiiska Rayaslwasaaraha dalka Itoobiya, waxaana la sugayaa jawaabta ONLF, oo qeyb ka ahayd Jabhaddaha OLF, GINBOT7 oo shalay saxiixay heshiiskan.

Dhanka ONLF ilaa iyo hadda wax wara kama soo bixin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading