ONLF Oo qorshaynaysa in ay Dib ugu laabato Halgankii

Gudoomiyihii ONLF,waa ka goostay Itoobiya oo waxuu galay Dowladaha dariska ah,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah.

Sidoo kale Qalbidhagax oo ay wax isla og yihiin,waxa uu aaday Muqdisho.

Xogtu,waxay sheegaysaa in ONLF dib iskugu diyaarinayso dagaal ay la gasho Itoobiya Laba sababood awgood……

1.Abiy oo aan fulin,waxay ku heshiiyeen.
2.Maamulka Abiy oo aad udiciifay ayna jiraan fursado waa weyn oo laga faa’idaysan karo xilligan.

Masar iyo Eretereya,ayay xoguhu sheegayaan in ay siinayaan taageero Mileteri iyo mid Dhaqaale,isla markaana ay Somaliya ka samaysan doonto ONLF Saldhigyo.

Waa loolan cusub oo Maamulka Abiy soo wajahay oo ay adag tahay in uu ka hortago,sababtoo ah,waxa uu hadaba ku jiraa 6-Dagaal oo Dibada iyo Gudaha ah……..

1.Amxaarada
2.Tigreega.
3Oromada qaybo ka mid ah.
4.R.Galbeedka.
5.Dhaqaale burburka.
6.Go’doonka Siyaasadeed ee Gobolka.

Dad badan,ayaa qaba in Itoobiya Dowlad ahaan burburayso oo loo baahan yahay in la helo Masuuliyada Deegaanka Gacan uu ku dhaco oo badbaadisa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading