Oromada oo qorshaynaysa in ay si dadban ula wareegto Deegaanka Tulli-guled Ee DDSI

Tuli-guuleed waa Deegaankii uu kasoo go’ay Qamadigii uu ku faanayay Abiy in dalka dibadiisa loo dhoofinayo.

Waa Deegaan Beereed Qani ah oo Deegaanka Somalida ka tirsan,waxayna ku taal Xuduuda Oromada.

Deegaankan,waxaa qandaraas ay ku maalgelinayso oi ku kacaya 300-Milyan oo dolar u ogolaatay Shirkada samaysa Biirta.

Abiy oo ka duulaya Deegaankaas Barwaaqadiisa in Somalida Gacanteeda laga saaro,ayaa Degmo ka dhigay Makanisa oo ka tirsan Oromiyaa.

Deegaankan,waxuu kaloo 97-km ujiraa Seylac oo Oromadu qorshaysanayso in ay Deked ka dhisato mustaqbalka dhow.

Haatan Deegaanka Tuli-guuleed waxuu bartanka ugalay Laba Degmo oo Oromo leedahay oo kala ah Makanisa iyo Jinacsaney.

Shalay Dadkii Deegaanka,ayaa kacdoomay oo Dab geliyay Degmada cusub ee Oromada.

Hadafka Oromadu waa in Deegaankan la hareereeyo oo si dadban loo Oromeeyo dhan walbaba laga xijiyo Oromada.

Madaxweyne Mustafe waxaa looga yeeray Adis,waana lagu canaantay kacdoonka Bulshada Geri-koombe ee Deegaanka Tuli-guuleed degta.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading