Parfait Onanga-Anyanga oo loo Magacaabay Wakiilka QM ee Geeska Africa.

Special Representative of the Secretary General Parfait Onanga-Anyanga, Head of the UN Multidimensional Integrated Stabilization Mission in the Central African Republic (MINUSCA).

NEW YORK (IDIL NEWS)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa magacaabay Ergey cusub oo u qaabilsan Geeska Afrika, kaasoo ah khabiir shaqooyin badan ka soo qabtay Qaramada Midoobey.

Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay Gabon ayaa noqonaya Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, waxaana uu horay u soo noqday Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Bartamaha Afrika.

Ergeygan cusub ee loo soo magacaabay Geeska Afrika ayaa howshiisa ugu badna noqonaya arrimaha Gobolka iyo caqabadaha ka jira xilligan.

Gobolka Geeska Afrika ayaa xilligan loo arkaa meel muhiim ah oo dalal badan ku loolamayaan marka loo eego Istiraatiijiyad ahaan, waxaana uu xafiiskan cusub ku soo aadayaa iyadoo wadamo badan ku loolamayaan gobolka, sida Mareykanka, Shiinaha, Khaliijka iyo Turkiga.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading