PISF oo la baabi’inayo iyo PSF oo dib loo midaynayo

PSF dib,ayaa loo midaynayaaa si rasmi ah,waxaana hogaamin doona Maxamuud Diyaano.

Heshiiskii Qardho,waxaa Qodobadiisa ka mid ahaa…

1.In PSF la mideeyo oo la baaba’sho PISF-ta Aamiin Xaaji.

2.In Taliska Ciidamada la hooskeeno.

3.In Miisaaniyadeeda soo marto W.Maaliyada.

4.In wafuudeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda lala socdo.

Safaarada Maraykanka oo daba socota heshiiskaas,ayaa MW Deni lasoo xiriirtay kana xaqiijisay markaas kadibna,waxaa laysla qaatay in PSF dib loo hawlgeliyo.

Dhanka PSF waa aqbaleen heshiiskaas si buuxda,waxaase wax kasoo noqdeen dhanka MW Deni oo waxaa caqabad cusub noqotay celintii Saraakiishii usocotay PSF ee Maraykanka ahayd Todobaadkii hore.

Safaarada Maraykanka oo lasoo xiriirtay MW Deni,wuxuu ku dooday in ballankii looga baxay oo wefti aysan Dowladu ogayn damcay in uu yimaado,waxayse Safaaradu usheegtay arimaha Ciidamada in aan cid walba la ogaysiin oo xataa Safaaradu aysan ka warqabin oo ay ku kooban tahay Taliska Jabuti oo markay Danab la hawlgalayaan aan looba soo sheegin.

MW Deni,waxay Safaaradu si cad ugu sheegtay in PSF la qalabaynayo oo la dhisayo si ay uga hawlgalaan Daacishta Bari.

Wararka hoose,waxay sheegayaan in Deni iskaga Afgobaadsanayo waxba layma soo sheegin erayada ah ee dulucda khilaafku yahay tirada Ciidan ee ay PSF ku mushahaar qaadanayso.

Deni,wuxuu ku doodayaa 400 oo Askari in Bishii la siiyo min $ 400 halka PSF ay ku doodayso,waxaan Gacanta ku haynaa 1100 Askari.

Salka loolanku waa dhaqaalaha ka imaanaya Maraykanka oo hada toos usoo mari doona W.Maaliyada.

Deni Gacan buu uritay mashruucii Ilmo Diyaano ka sameeyeen Magaca iyo Dhaqaalaha.

Muhiimadu,waa in lays fahmaa oo la dhamaystiraa Shaqada,isla markaana MW Deni uusan noqon Nin Xabad kaliya wax looga rito.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading