PL ma waxay uyeeratay Xubnaha Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka ku matala?

Uyeerid ma’ahan ee waa cusumid ku saabsan ka mid noqoshada Martida goob jooga ka ahaanaysa furitaanka Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland ee 25-ka Bishan furmaya.

Hadii ay ahaan lahayd Warqad si cad uga soo baxday Dowlada Puntland oo lagu dalbanayo wadatashi in ay uyimaadaan Xubnaha Labada Aqal PL ku matala Fadaraalka,ayay Warqada noqon lahayd (Uyeerid).

Balse si dadban,ayay noqon kartaa Casuumad wadatashi oo si gaar ah ay ugu kulmaan MW Deni iyo Xubnaha Labada Gole ee Fadaraalka.

Fursad ayay utahay Xubnaha Labada Aqal ee Fadaraalka PL ku matalaya Casuumadan oo waxay samayn karaan galaangal iyo in ay aragti haday ka qabaan khilaafka PL iyo Fadaraalka ay kusoo bandhigi karaan.

In badan,ayaa lagula taliyay MW Deni la tashiga Xubnaha Labada Gole ama ayba ku doodeen qaar ka mid ah Xubnaha ma tagi karno Garowe oo Deni nama rabo waxna nama waydiiyo.

Haatan,ayaa loo jooga Xubintii baaqata oo aan soo ajiibin casuumada Gudoonka Baarlamaanka Puntland.

 

Halkan ka akhriso”-

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading