PL oo beenisay hawlgal ay sheegtay Villa Somaliya in laga fuliyay Buuraha Bari

Waa war been abuur ah oo aan waxba ka jirin sheegashada Villa Somaliya.

Garaacis Maraykanku fuliyay oo ka dhacday Buuraha Bari ee PL Xalay majirto,sida ay ii xaqiijiyeen laamaha amni PL.

Mida kale Buuraha Calmadow ma joogaan Shabaab iyo Daacish,halka ay mar mar isku laayaan;iyaga dhexdoodu,waa Buuraha Cal miskaad.

Dhanka kale hawlaglka ATALANTA EUNAVFOR oo la falgasha Ciidanka Badda PL,ayaa caalamka uga qaabilsan Duqaymaha iyo weerarada Burcada iyo Argagixisada ee Bada cas iyo Bada Hindiya,iyaguna war kama soo saarin hawlgal dhacay.

Villa Somaliya kooxda ku sugan xiligan,waxay isku dayayaan in ay Mashruuc ku raadsadaan Amniga PL.

Majiro Haba yaraatee wax Taageero Amni ah oo PL ka hesho kooxda ku sugan Villa Somaliya,haday Tahay Qalab Ciidan,Mushahaar Ciidan iyo Askar ka joogta Gudaha PL.

Waxa iswaydiinta mudan waxay tahay goorma ayay yeesheen Awood Amni oo ay kaga hawl galaan Puntland iyagoo SYL hotel oo kaabiga ku haya Villa Somaliya Difaaci waayay shacabkii iyo xildhibaanadii halkaas ku sugnaa.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading